Internet-ka Ka Yimaada Cirka (Satellite Internet)
Markii hore, helitaanka internet degdeg ah wuxuu ku xirnaa fiilooyin dhulka mara iyo xarumo waaweyn oo adeega bixiya. Laakiin maanta, tiknoolajiyada Satellite Internet waxay beddeshay aragtidaas — iyadoo suurtogal ka dhigaysa in qof walba oo jooga xitaa meelaha fogfog ee aan lahayn xadhko ama towerro uu helo internet degdeg ah oo la isku halleyn karo.
Waa Maxay Docker
Docker waa tiknoolajiyo beddeshay sida software-ka loo dhiso, loo tijaabiyo, loona deploy gareeyo. Haddii hore lagu tiirsanaa virtual machines (VMs) oo culus, Docker wuxuu keenay fikradda containers —goob uu barnaamijkaagu si gooni ah ugu run gareesmi karo. isagoo wata dhammaan files, libraries, iyo configurations uu u baahan yahay.
Waa Maxay React Native
React Native waa framework ay dhistay Meta (Facebook) si loogu sameeyo mobile applications iyadoo la adeegsanayo JavaScript iyo React. Waa walaalka ReactJS, balse halkii uu ka dhisi lahaa web browser, React Native wuxuu dhisaa mobile apps oo si toos ah uga shaqeeya Android iyo iOS labadaba.
Haddii hore la isticmaali jiray luuqado kala duwan sida Swift (iOS) iyo Java/Kotlin (Android), React Native waxay keentay hal luuqad oo keliya — JavaScript — taasoo macnaheedu yahay in hal codebase lagu sameyn karo app labada system ku shaqeeya.
Fikradda React Native waa isku mid sida ReactJS:
App-ka waxaa lagu sameeyaa components — qaybo yar-yar oo la isku daro. Waxaa jira state iyo props oo lagu maamulo xogta. Laakiin halkii uu u adeegsan lahaa HTML/CSS, wuxuu adeegsadaa components native ah sida , , iyo , kuwaas oo u dhigma elements dhab ah oo mobile ah.
Bal qiyaas inaad dhiseyso laba guri – mid ku yaal Muqdisho (Android) iyo mid Hargeisa (iOS). React Native waa naqshadeeye kuu diyaariyay hal qorshe oo labadooda ku shaqeynaya, adigoo aan labo jeer howl galin.
React Native wuxuu adeegsadaa bridge u dhexeeya JavaScript iyo native platform-ka. Markaad code qorto, wuxuu isu rogaa native code si app-ka u noqdo mid degdeg ah oo dareenkiisu la mid yahay app-kii lagu qoray luuqadda asalka ah. Waxaa intaa dheer Expo, oo fududeeya sameynta, testing, iyo deployment-ka apps-ka React Native.
Marka Soomaaliya la eego, React Native waa fursad weyn oo developers maxalli ah ay ku dhisi karaan apps casri ah iyagoo aan u baahnayn kharash badan. Waxaa lagu dhisi karaa apps ganacsi (EVC, dukaamo, delivery), apps waxbarasho, iyo adeegyo dowladeed oo mobile ah. Hal codebase ayaa ku filan — waqti iyo lacag labadaba waa la badbaadinayaa.
React Native waa buundada u dhaxaysa web iyo mobile. Waa halka uu developer React ah si fudud ugu noqon karo mobile developer. Waa mustaqbalka dhismaha apps-ka caalamka, gaar ahaan meelaha ay ilaha iyo waqtigu kooban yihiin. Qof kasta oo developer ah oo horey u yaqaan ReactJS, waa inuu tallaabada xigta u qaadaa React Native.
Waa Maxay MIT License, Maxaase Aan U Doortaa
Waa Maxay MIT License, Maxaase Aan U Doortaa?
Hordhac
Mararka qaarkood, marka aan horumariyo barnaamij ama kood, waxaan isweydiiyaa: “Sidee baan dadka ugu fududeyn karaa inay adeegsadaan, wax ka bartaan, ama xataa wax ka beddelaan arrintan aan sameeyay?” Aniga oo aad u jecel xurriyadda iyo il-furnaanta (open-source), waxaan doortay MIT License. Shatigan wuu iga yareeyay walwal kasta oo la xiriira xeerar adag, wuxuuna ii oggolaaday in aan bulshada la wadaago wax kastoo aan abuuro anigoon cidna ku xirayn shuruudo culus.
Maxay Tahay MIT License?
MIT License waa shati aad u fudud oo sooyaalkeedu ka yimid Jaamacadda MIT (Massachusetts Institute of Technology). Waxa uu u oggolaanayaa cid kasta:
Si xor ah u isticmaasho software-ka—ganacsi ama gaar ahaaneed,
Nuqullo ka sameyso ama wax ka beddesho,
Qaybiso (faafiso) ama xitaa ka ganacsato.
Xorriyaddan ballaaran ayaana ka dhigaysa MIT License mid aad loo jecel yahay.
Sababta Aan Anigu U Doorbiday MIT License
1. Qof Jecel Xorriyad
Waxaan doorbidaa in qof kastaa helo xorriyad uu sameeyo waxa uu rabo koodka aan qoray. Kama helayo xeerar tiro badan oo xadidaya dadka sida “tan ma samayn kartid, taas ma samayn kartid.” Anigu waxaan aaminsanahay in xorriyaddaasi ay fure u tahay hal-abuurka.
2. Muhiim Iima Ahan Xusid (Credit)
In kasta oo ay fiican tahay in mararka qaar la yiraahdo “Software-kan waxaa qoray qof hebel,” aniga si gaar ah muhiim iima ahan in magacayga mar walba la sii xuso. Ku darista ama ka tagista magacayga cida isticmaalaya koodkayga, waxweyn iguma ahan. Waxa aan rabaa in xorriyad la helo, taas ayaana iigu muhiimsan.
3. Ahaanshaha Mid Sahlan oo Cad
MIT License aad buu u kooban yahay—wax badan ma aha in la akhriyo si loo fahmo. Tani waxay dadka siinaysaa kalsooni inay qaataan ama wax ka beddelaan software-ka, iyaga oo aan la kulmin hanaan sharci oo dhib badan.
4. Qof Jecel Fikradda Open Source
Waxaan si weyn u taageersanahay barnaamijyada furan (open source), sababtoo ah waxay kobciyaan hal-abuur, wada-shaqeyn, iyo koritaan bulsho. MIT License waxay mar walba fududeysaa inay dadka kale isugu tagaan mashruucayga, wax ku darsadaan, ama xataa wax ka beddelaan.
Malagayaaba Inan Beddelo?
Ilaa iyo hadda, wax weyn oon ka cawdo kama arag MIT License. Hase yeeshee, fikirkeygu mar walba wuu isbedbeddelaa, waxaanan ogahay inay jiri karto maalin aan u baahdo shati kale. Laakiin iminka, MIT License waxay la jaanqaaddaa ujeeddadeyda ah in la helo xorriyad ballaaran, waxaanan filayaa inay sii ahaan doonto doorashadayda ugu horreysa.
Gunaanad
MIT License waxay ii noqotay waddo aan barnaamijyadayda ku shaaciyo iyada oo ay dadku si sahlan u isticmaali karaan ama wax uga beddeli karaan. Anigu waxaan ahay qof raba in xorriyaddu noqoto mid la wada helo, si dhib yari ah.
Waa Maxay ExpressJS
Express.js waa framework fudud oo xoog badan oo loogu talagalay Node.js. Waa qalab ka dhigay dhisida backend iyo APIs mid sahlan, nadiif ah, isla markaana la fahmi karo. Haddii Node.js uu yahay gaariga, Express waa wadaha ku hagaya jihada saxda ah.
Express.js wuxuu bixiyaa qaab dhismeed fudud oo lagu maareeyo routes, HTTP requests, iyo middleware. Halkii aad koodh dheer qori lahayd si aad u maamusho GET, POST, PUT, ama DELETE, Express wuxuu kuu oggolaanayaa in hal sadar lagu sameeyo. Tusaale:
app.get('/users', (req, res) => { res.send('List of users'); });
Hal sadar ayaa ku filan si aad u abuurto endpoint dhammeystiran.
Middleware waa qaybta kale ee muhiimka ah ee Express.js. Waa code dhex mara request iyo response, sida ilaalinta (authentication), logging, ama xog hubin. Middleware waa sida waardiye albaabka yaalla: qof kasta oo soo galaya, marka hore isaga ayuu maraa.
Bal qiyaas makhaayad. Node.js waa jikada lagu diyaariyo cuntada. Express waa maareeyaha dalabka — qof walba wuxuu qaabilaa dalabkiisa, wuxuu hubiyaa lacagta, wuxuuna dirayaa amarka cuno saneynta ee jikada. Middleware-kuna waa ilaalinta albaabka, hubinaya qofka uu yahay iyo haddii uu leeyahay rukhsad.
Express.js wuxuu caan ku yahay simple + powerful. Waxaa lagu dhisaa APIs, web servers, iyo xitaa microservices. Waxaa si fiican ula shaqeeya MongoDB, Prisma, iyo JWT authentication, taasoo ka dhigaysa mashruucyada backend ee casriga ah kuwo fudud in la dhiso.
Express.js waa lafdhabarta Node.js backend-ka. Waa framework-ka isku daraya fudayd, awood, iyo xasillooni. Qof kasta oo developer ah waa inuu bartaa Express.js si uu u fahmo sida web services, APIs, iyo server logic dhab ahaan u shaqeeyaan.
Waa Maxay HTML
HTML waa laf-dhabarka bog kasta oo internetka ah. Waxay qeexdaa qaab-dhismeedka iyo nuxurka bogga (sida qoraalka, sawirrada, iyo isku-xirayaasha).