The U-learns Blog
Insights, tutorials, and stories from the forefront of tech education in Somalia.
Waa Maxay Cloud Computing
Cloud Computing micnaheedu waa in xogta, barnaamijyada, iyo adeegyada la dhigo “daruurta”
Waa Maxay FIREBASE
Firebase waa adeeg cloud ah oo ay leedahay Google, kaas oo developers-ka ka caawiya inay si degdeg ah u dhisaan apps—gaar ahaan mobile iyo web—iyagoon ka walwalin server, database setup, ama infrastructure adag. Waa “backend ready ah” oo diyaar kuu ah marka aad rabto in app-kaaga si dhaqso ah u dhisto.
Internet-ka Ka Yimaada Cirka (Satellite Internet)
Markii hore, helitaanka internet degdeg ah wuxuu ku xirnaa fiilooyin dhulka mara iyo xarumo waaweyn oo adeega bixiya. Laakiin maanta, tiknoolajiyada Satellite Internet waxay beddeshay aragtidaas — iyadoo suurtogal ka dhigaysa in qof walba oo jooga xitaa meelaha fogfog ee aan lahayn xadhko ama towerro uu helo internet degdeg ah oo la isku halleyn karo.
Waa Maxay API
API waa erey in badan la maqlo, balse badanaa si fudud looma fahmo. Erayga oo buuxa waa Application Programming Interface. Haddii si caadi ah loo dhigo, waa albaabka barnaamijyada ay ku wada hadlaan. Ma aha qofka isticmaala software-ka ee waa koodhka iyo barnaamijyada kale oo is dhexgal sameenaya.
Waa Maxay Data Structure
Data Structures waa eray muhiim ah oo developers si joogto ah u adeegsadaan. Haddii si fudud loo dhigo, waa qaabka xog loo habeeyo si loo kaydiyo loona maamulo. Xogta kaliya in la haysto ma ahan muhiim, balse sida loo habeeyay ayaa go’aamisa in software uu noqdo mid degdeg ah, fudud, ama gaabis ah.
Development iyo Operations.
DevOps waa eray ka kooban laba: Development iyo Operations. Waa falsafad iyo hab shaqo lagu mideeyo kooxda horumarinta software-ka iyo kooxda maamula nidaamyada (operations).
Waa Maxay NodeJS
Node.js waa JavaScript runtime environment oo kuu oggolaanaya inaad JavaScript ku run gareyso dhinaca server-ka, halkii ay hore ugu shaqeyn jirtay oo keliya browser-ka. Taas micnaheedu waa in hadda JavaScript aysan ku ekeyn dhisida UI, balse ay awood u leeyahay inay dhisto backend, APIs, iyo xitaa servers buuxa.
Waa Maxay Tailwind Css
Tailwind CSS waa CSS framework casri ah oo ku dhisan fikradda utility-first
Waa maxay TypeScript
TypeScript waa superset ka mid ah JavaScript oo ay sameysay Microsoft si ay u xoojiso amniga iyo nadiifnimada code-ka. Waa luuqad kuu oggolaaneysa inaad qorto JavaScript caadi ah, balse aad ku darto types — si koodhkaaga uu u fahmo xogta uu qabanayo, loogana hortago khaladaadka ka hor inta aan code-ku la run gareen.