Back to Blog
Waa Maxay Cloud Computing

Waa Maxay Cloud Computing

Moo Garad

Moo Garad

December 17, 2025

Haddii aan dib ugu noqono waayihii hore, software kasta iyo xog kasta waxaa lagu kaydin jiray kombiyuutar qof leeyahay — server yar ama mid weyn oo xafiis yaal. Laakiin maanta, dunidu waxay u guurtay meel kale: Cloud Computing — tiknoolajiyad kuu oggolaanaysa inaad isticmaasho kombiyuutarro, serverro, iyo software adigoon waligaa taaban.

Cloud Computing micnaheedu waa in xogta, barnaamijyada, iyo adeegyada la dhigo “daruurta” — oo macnaheedu yahay serverro meel kale yaal, sida kuwa ay maamusho Amazon (AWS), Google Cloud, ama Microsoft Azure. Halkii aad ku haysan lahayd server kuu gaar ah, waxaad isticmaalaysaa serverro laga kiraysto internet-ka.

Marka aad isticmaalayso email sida Gmail, ama aad gelayso Google Drive, ama aad adeegsanayso Netflix — dhammaantood waa Cloud Services. Xogtaada ma taallo kombiyuutarkaaga, ee waxay ku jirtaa daruurta.

Faa’iidada ugu weyn ee Cloud Computing waa in ay kaa qaado culayska maamulka iyo qalabka. Uma baahnid server, generator, ama software adag. Wax walba waa “as-a-service”:

IaaS (Infrastructure as a Service): Serverro iyo storage aad kiraysato (AWS EC2, Google Compute).

PaaS (Platform as a Service): Goob aad ku dhisto apps adigoon ka fikirin server (Heroku, Render, Vercel).

SaaS (Software as a Service): Apps diyaar ah sida Gmail, Canva, Notion, ama Dugsiiye Platform.

Cloud-ku wuxuu keenay xorriyad cusub — waxaad heli kartaa xogtaada meel kasta oo dunida ah, adigoo isticmaalaya kaliya internet. Waxa uu fududeeyay shaqada developers-ka, maadaama deployment, scaling, iyo monitoring dhammaantood la otomaatig gareeyay.

Laakiin, dhinaca kale, wuxuu keenay su’aalo amni iyo madax-bannaani: xogtaada halkee ayey taal? Yaa gacanta ku haya? Ma sugan tahay mise qof kale ayaa geli kara? Taasi waa sababta maanta erayada sida Cloud Security iyo Data Privacy ay muhiim u yihiin.

Soomaaliya gudaheeda, Cloud Computing wali waa meel cusub. Ganacsiyo badan weli waxay xogtooda ku hayaan kombiyuutarro maxalli ah ama drives fudud, halka dunida inteeda kale ay u guureen cloud. Si aan u gaarno heerkaas, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo fursadaha uu cloud-ku bixinayo: badbaado, fudeyd, iyo awood aan xad lahayn.

Cloud Computing ma aha daruur dhab ah — waa dhismo ka sarreeya dunida dhabta ah, halkaas oo xogta, software-ka, iyo fikirkaaga lagu xafido si ay u noolaatan, xitaa adiga oo aan joogin.

Daruurta maanta roob kaliya ma keento — xog bay qaadaa.

Moo Garad

Moo Garad

DataBase Engineer